Video:-Qoor-qoor siyaasiyan,ayuu usoo afjarmay xaqiiqdii.

Qoor-qoor siyaasiyan,ayuu usoo afjarmay xaqiiqdii.

Waa markii labaad oo uu fashil siyaasadeed dhex istaago.

Gaalkacyo ayay ku kulmeen isaga iyo Deni waxay isla qaateen in ay dhexdhexaadin wada bilaabaan oo dalka ur ubixiyaan.

Garowe ayay wada tageen oo kula kulmeen Somalidii kale.

Wada xaajood kadib Qoor-qoor waxaa loo soo dhiibay sadex Qodob oo kala ahaa.

1.Arinta Gedo
2.Arinta Xildhibaanada Waqooyi.
3.Gudiyada Doorashada.

Balanku waxuu ahaa in uu lasoo kulmo Fahad iyo Farmaajo dibna ugu soo cesho jawaabta Odoyaashiii Garowe ku sugayay.

Qoor-qoor waxuu lasoo hadlay Deni oo uu ku yiri aan kuu sheego waxii aan kula heshiiyay Farmaajo.

Deni waxuu ugu jawaabay aniga waxba si gaar ah ha iigu sheegine waxii aad soo qaaday qoraal kasoo samee oo soo dir ama sidii balanku ahaa Garowe imow si Odoyaashoo dhan aad ula wadaagto.

Halkaas iyadoo xaalku marayo,ayuu habeen hore shirkan jaraa’id qabtay intuusan sii dayn,ayaa waxaa uyeeray Rag Habargidir ah waxayna kula taliyeen in uu ka laabto uuna hakiyo sii daynta Shirka jaraa’id,balse waa ku gacan sayray.

Qoor-qoor way iska cadahay in amar la siiyay oo uusan doorasho lahayn,waxaase soo afjarmay doorkiisii siyaasi iyo qofnimo oo xataa waxuu baalmaray dhaqanka caadiga ah ee garta iyo dhexdhexaadinta.

Jibril Qoobey.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://fb.watch/2VLwvpKUnr/