Wafti Kenya ka socday oo ka baaqday Muqdisho

Wafti ka socda Dowladda Kenya oo shaley la hadal hayey in ay tagaayaan magaalada Muqdisho,ayaa maanta tagi waayey ,

Wafti kale oo ka socda urur Goboleedka IGAD,ayaa magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo booqanaya si ay Qiimeyn ugu Sameeyaan muranka dhanka Xuduuda ee ka dhexeeya Somaliya iyo Kenya ,

Madaxweyne Farmaajo,ayaa isniinta oo Berrito ah booqanaya dalka Jabuuti si loogu dhawaaqo qiimeynta waftiga Urur Goboleedka IGAD iyo waxa ay kala soo kulmeen Magaalada Mandheera oo ay horey u booqdeen iyo Magaalada Beledxaawo oo ay maanta booqanaayaan.

Jibril Qoobey