Maxaa kasoo baxay kulankii xalay Ee Musharaxiinta iyo Qoo-qoor,Laftagareen iyo Guudlaawe??

Dhamaan Musharaxiinta oo isku duuban waxay la kulmeen hogaamiyayaasha sadexda Maamul ee Hir-shabelle,Koonfur-galbeed iyo Galmudug.

Sadex arimood ayay hor dhigeen,kuwaasoo kala ah…

1.In aysan qaban karin doorasho aan loo dhamayn oo Pl iyo Jl aysan qayb ka ahayn.

2.Hadii ay qabtaan doorasho aan loo dhamayn ka musharaxayaal in aysan aqbalayn oo ka hor imaanayaan waxii foolxuma ah oo ka yimaadana ay masuuliyadeeda iyagu qaadayaan.

3.In Sadexdoodu ay abaabulaan Shir layskugu yimaado oo waliba Laftagareen markan doorka qaato maadaama Qoor-qoor fashilmay.

Sadexda hogaamiye balanqaad cad kama samayn qodobadaas la hor dhigay,waxayse sheegeen in ay kasoo tashanayaan.

Musharaxiintu si weyn ayay ugu diyaar garoobeen in ay ka hor yimaadaan doorasho aan loo dhamayn oo Farmaajo lagu galbinayo.

Jibril Qoobey.