Muxuu yahay Xalka Doorashooyinka Soomaaliya??

Xalka Doorashooyinka Soomaaliya??

Waxaa socota dadaal xoog leh oo xal loogu raadinayo doorashooyinka Somaliya,jaasoo ay wado Beesha caalamka.

Ilaa iyo hada Qodobada la hor dhigay Madaxda Somalida ee xalka loo arkay waxay kala yihiin…

GEDO:

  1. Gudoomiyaha Gobolka Jubbaland ee Gedo oo ku laabta Garbahaarey
  2. Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM oo lagu wareejiyo ilaalinta Amniga Garbahaarey
  3. Guddiga Doorashooyinka Jubbaland oo loo ogolaado Maamulka Doorashooyinka ee Degmada Garbahaarey

Somaliland:

1.Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo RW ku xigeen Khadar Guuleed iyo siyaasiyiinta Somaliland oo si wadajir ah u soo xula Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Ergada Dooranaysa labada Aqal ee Baarlamaanka

  1. Murashaxiinta oo u sinaada la kulanka iyo ka qeybgalka tartanka codbixiyayaasha ka soo jeeda Somaliland.

Guddiyada:

1.Dowladda Federaalka oo ka saarta xubnaha lagu muran sanyahay Guddiga ay soo xushay.

  1. Xubnaha Guddiyada ay soo xuleen Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo la wafaajiyo habraaca Doorashada.
  2. Puntland iyo Jubbaland oo xubnaha ay soo xuleen ka saara Shaqaalaha Dowladahooda soona xula Guddi hoosaadka dhiman.

Haddaba si loo meel mariyo heshiisyadaas waa in kulan deg deg ah la isugu yimaadaa.

Jibril Qoobey.