YAA ISKA LEH WAAJIBAADKA ARRIMAHA DOORASHOOYINKA ?

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo Dib-u-hishiisiinta waa in uu iska iscasilo xilka uu haayo, waayo waajibaadka loo igmaday iyo shaqada wasaaradda waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka, haddii kale wasiirku wuxuu noqonayaa magac u yaal mushaarkiisa iska qaata.

Waxaa wareegto r/wasaare lagu magacaabay wasiiru-dowlaha x/raisul wasaaraha in uu daadihiyo arrimaha doorashooyinka iyo xiriirka beesha caalamka ee arrimaha doorashada.

Shaqadaan loo xilsaaray wasiiru-dowlaha kuna saabsan arrimaha doorashada waa mas’uuliyadda wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalaynta iyo dib-u-hishisiinta kuna qeexan tahay xeerarka iyo istraatijiyada wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federaalaynta.

Wali waa ku adag tahay kooxda Farmaajo in ay fahmaan nidaamka dowladnimo, iyo sida shaqada wasaaraduhu u kala leeyihiin.

Dalka fowdada ha laga daayo iyo in meel kasta laga raadiyo shaq-shaq lacageed, ayadoo la baal-maraayo habsami u socodka shaqada wasaaraduhu kala leeyhiin.

Fikrad Haldoor Somaliyed.