Galmudug oo qarka usaaran in uu Alshabaab la wareego

Galmudug waa in laga difaaco Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan!

Muddo labo bilood ah Al-Shabaab waxay weeraro joogto ah ku hayaan Degmooyin iyo Tuulooyin kamid ah Gobolka Mudug sida Bacaadweyne, Caad iyo Camaaro, waxayna soo gaareen agagaarka Wisil, dadkii deegaanadaas degganaa waa barakiciyeen, ceelashii iyo tuulooyinkiina waa ka dumiyeen.

Sidoo kale xalay waxay qabsadeen Ceeldheere oo dhacda wadada laamiga ah ee isku xirta GURICEEL iyo Dhusamareeb, 20 km dhanka galbeed ka jirta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Degmada Matabaan xalay ciidamo ayay soo dul dhoobeen. Sidoo kale waxaa dib u soo laabtay isbaarooyinkii horay looga qaaday deegaanada Galmudug qaarkood.

Weerarka Shabaab ku hayaan deegaanada Galmudug, Isbaarooyinkii maleeshiyaadka ee dib u soo laabtay iyo Habacsanaanta maamul iyo amni ee Galmudug ka jira dhamaantood waa arrimo isbiirsaday halistoodana leh. Waxaan ku talinayaa dadka reer Galmudug in ay isku tashadaan loona diyaar garooba ka difaac dadka iyo deegaanada Galmudug kooxaha Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan.

Hon. Mahad Salad