Beelo ku diriray Dharoor oo heshiis la dhex dhogay

Dowlada Puntland Oo Go,aamo Kasoo Saartay shaqaaqadii Kadhacdey Degmada isku shuban & deegaanada Hoos-yimaada.

Gudi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Hawlaha guud axmed bashiir muse, wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha axmed Taaraan wasiru dawlaha Wasaarada arimaha gudaha Kulan, iyo wasiir dawlaha Wasaaradda dakadaha Dhedo oo arinkaan ku howlanaa ayaa Qodobadan soo Saaray.

1- In nabadda si dhamays tiran udhaqan galiyan labadi belood ee dirirtu dhexmartay.

2- In Maleeshiyad beledyadi so gurmaday dhamantod ay ku noqdaan deegaanadoodi iyo goryahoodi .

3- In magaalooyinka, Ceelasha, Dooxooyinka,dhulka daaqsinka iyo wadooyinkaba si nabdgalyo ah loogu wada noolaado.

4- in Dooxadi Shaqaaqadu ka bilabatay aysan tagi Karin dibna ugu noqan karin labadii beelood gacanta dowladana ay ku jirayso ila amar danbe.

5- In uu noqan doono shirka lagusoo afjarayo colaadan inta u udhaxaysa 01/02/2021 – 10/02/2021Dowlduna dib kaso shegayao malintu shirkasi furmi doono iyo goobta lagu qabanayo insha allah.

6- Cidi dhaqan galin wayda go’aamada dowladda oo harer marta hishisyadi nabadda waxa laga qadaya talaabo ku haboon.

Qaar kamida isimada labada beelood ayaa soo dhaweeyay qodobada & dadaalka dowlada Puntland shaqaaqadan ku xalinayso.