Faallo:-Maxaa hor taagan doorashada dalka??

Doorashada 2021:

Waxaa muhiim ah in la kala ogaado laba arrimood:

  1. Heshiiskii Doorashada ee la saxiixay 17 September 2021 iyo
  2. Habraaca Doorashada ee
    1 October 2020

Heshiisku wuxuu ka koobnaa 15 qodob wuxuuna ahaa asaaska doorashada. Wax khilaaf ah kama taagna.

Habraaca Doorashadu wuxuu qorayaa sida Doorashada loo qabanyo, cidda qabanaysa iyo wakhtiga la qabanayo. Habraaca waxaa ka soo laabtay mugdi fara badan oo ku aadan saddex arrimood:

  1. Arrinta Maamulka Doorashada Jubbaland
  2. Wadaagga, Maamulka iyo Qeybsiga kuraasta Soomaliland
  3. Guddiga Maamulaya Doorashada Qaranka

Saddexdan arrimood oo Habraaca Doorashada ah ayey Doorashadu u xayiran tahay.

Xal maxaa ah:
In la isugu yimaado shir lagu xalliyo aragti kala duwanaashaha habraaca ka soo baxday.

Qabashada Doorasho aan loo dhameyn:

Midnimada Dalka ayaa ka muhiimsan, qabashada doorasho aan loo dhameyn. Marba haddii Xukuumaddu ku guulndareysatay in doorashada lagu qabto wakhtigeeda, waxaa ka sii xun in la qabto Doorasho aan loo dhameyn oo suurta gelin karta kala qeybsanaan siyaasadda Dalka.

BDM