Qardho waxaa kasoo baxay 500-Askari oo Boolis cusub ah

500 -Askaro oo Boolis Puntland ah,ayaa tababar ugu soo dhamaaday Dugsiga Xorhoble Qardho.

Sida la filayo Madaxwryne Deni,ayaa tababarka usoo xiri doona maalinka beri ah.

Ciidamada kala duwan ee Puntland waxaa ku socda dib uhabayn xoog leh oo hada gabagaba ku dhow.

Yoolka Dowlada Puntland waxa weeye in la gaaro 3000-Askari oo Boolis ah tababaran,diiwaangashan,qalabaysan oo Mushahaarkooda toos uhela bil walba.

Dowlada Deni waxay ku amaanan tahay in ay wax la taaban karo ka qabatay Ciidamada.

Jibril Qoobey.