Askar lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellada Hoose

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay ilaa 7 kalena way ku dhaawacmeen kadib weerar iskugu jira qaraxyo iyo weerar daba socday oo lagula eegtay kolonyo agagaarka degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellda Hoose.

Kolonyada baabuurta ayaa waxaa la socday guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Siidii iyo saraakiil ka tirsan milatariga, waxaana la socday ciidan iskugu jira Danab iyo Guutada Toddobaad, sida ay VOA u sheegeen ilo amni oo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Weerarka ayaa la sheegay inuu marka hore ahaa qarax lala eegtay baabuurta, kadibna waxaa ciidamada iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab dhexmaray dagaal.
Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.