Mahad Salaad oo banaanka keenay cida ka danbaysa Saraakiishii Tixsiile lagu qarxiyay

Labo Sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Qalabka Sida lana soo farmuuqay gaarigii ay saarnaayeen sida la ii sheegay ayaa saakay lagu qarxiyay deegaanka Tixsiile ee Gobolka Shabeelada Hoose. Dhaawac culus ayaa soo gaaray ee Allaha u boogo dhayo.

Intii ku dhimatana Allaha u naxariisto, eheladoodana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Sidoo kale waxaa asbuucyo kahor Gaalkacyo lagu xasuuqay Saraakiishii Qaybta 21aad. Kuwana magaalada Muqdisho ayaa guryahooda loogu dhacay si loo dilo, kuwa kalena Farmaajo ayaa waaran u jaray si loo soo xiro. Waana qorshe lagu beegsanayo saraakiil hayb ahaan ka soo jeeda hal beel.

Sidoo kale saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxay sheegeen maalmo kahor in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qaybta Afisyoone laga dajiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay dalka Eratareeya. Ayna suurogal tahay in loo adeegsado shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan MW Farmaajo.

Waxaan ku talinayaa in la isjiro, foojignaan dheeri ahna la muujiyo, si hanbada hartay looga badbaadiyo halaaga MW Farmaajo la maaganyahay!

Hon. Mahad Salad