Maxaan kala soconaa socdaalka qarsoodiga ah Muqdisho Ee Saraakiisha ugu saraysa Sirdoonka Itoobiya?

Taliyaha Milatariga Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Oromiya oo uu ka soo jeedo RW Abiy Axmed,ayaa si qarsoodi ah ku soo booqday magaalada Muqdisho Jimcihii halkaas oo ay wadahadal kula yeesheen Madaxweyne Maxamed Abdulaahi Farmaajo,iyadoo Somaliya ay doorasho ka dhaceyso.

Jibril Qoobey wuxuu ogaaday in Jeneral Birhanu Jula Gelalcha,Abaanduulaha guud ee ee ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) iyo Madaxweynaha maamulka Oromiya Shimelis Abdisa ay safarka la qaateen Farmaajo jimcihii.

Si rasmi ah looma cadeyn nuxurka wada hadalada laakiin ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia,ayaa u sheegay Jibril Qoobey arrinta doorashooyinka iyo ciidamada ENDF ee Soomaaliya,ayaa ahaa arrinta ugu weyn.

Farmaajo iyo Abiy,ayaa sameystay xiriir siyaasadeed labadii sano ee la soo dhaafay oo ay ku arkeen in ay midba midka kale booqdaan dalalka kale.

Farmaajo,ayaa booqday Gobolka xasiloonida leh ee Oromiya mid kamid ah booqashooyinkiisi sanadkii hore ee Itoobiya.

Falanqeeyayaashu waxay ku xiranyihiin khalkhal galinta Farmaajo ee wadahadalada doorashooyinka iyo mowqifka adag ee Abiy ee ka dhanka ah dadka kasoo horjeeda.

Abiy wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray doorashadii dowlad goboleedyada Soomaaliya isagoo taageero siiyay Farmaajo si uu ugu riixo in la rakibo xulafadiisa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka sida Koonfur Galbeed.

Isku daygii la doonayay in lagu ceyriyo Axmed Madoobe intii lagu guda jiray doorashadii 2018,ayaa fashilmay kadib markii ciidamada ENDF loo diiday in ay ka degaan garoonka diyaaradaha Kismaayo ciidamada Kenya ee halkaas ku sugan.

Farmaajo ayaa wajahaya doorasho..