Gudiga doorashada Pl iyo Rugta ganacsiga oo kulan yeeshay

Kulan ay iskugu yimaadeen madaxda Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland maalinimadii Isniinta 18 January 2021 waxay uga wadahadleen hirgelinta hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta Puntland iyo kaalinta ganacsatadu ka qaadanayso hirgelinta hannaankaan.

Labada dhinac waxay isla qaateen arrimaha hoos ku xusan:

  1. In la joogteeyo kulamada Guddiga iyo ganacsatada iyadoo 3dii biloodba hal shir la iskugu yimaado si loo kala warqaato.
  2. In ganacsatadu kaalin mug leh ka qaadato hirgelinta hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo wacyigelinta.
  3. In la aasaaso “Sanduuqa Doorashooyinka Puntland” oo ay iska kaashadaan Guddiga iyo ganacsatadu si mustaqbalka loo helo maalgelin wadani ah iskufillaanshana loo gaaro.
  4. In muddo 3 bilood ah Guddigu kusoo diyaariyo habraaca aasaasidda iyo maamulka “Sanduuqa Doorashooyinka Puntland” una soo bandhigo ganacsatada kulankaan kulanka ku xiga iyadoo lagu ballamay in lagu qabto kulankaas magaaladda Boosaaso.

Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan akhriso warsaxaafadeedka hoose.

Codkaagu Waa Xaqaaga.