Madaxweyne Deni oo kormeeray xarumo ku yaala Qardho

Qardho: 18 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa maanta kormeeray Dhismaha Xarunta Sheybaarka Ayaxa oo laga hirgelinayo Qardho, Halka laga dhisayo Garoonka diyaaradaha ee cusub, dhulka laga hirgelinayo xaafadda cusub ee Qardho,Wadada loo dhisayo Jaamacadda Bariga Africa, Garoonka cusub ee kubadda cagta ee Qardho iyo dhulka loogu talagalay in laga hirgeliyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed xarunta Qardho.

“Madaxweynuhu wuxuu warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta iyo Injineerada ka shaqeynaya dhismeyaasha xarumahaasi, wuxuuna bogaadiyey shaqada sida ay u socoto” Ayuu yiri Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Kormeerkiisa waxaa Madaxweynaha ku weheliyay xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka, kan degmada iyo Saraakiil Madaxtooyo.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.