Maraykanka oo ka hor yimid qorshihii doorasho Ee Farmaajo

Safaaradda Maraykanka ee Somaliya,ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Somalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

Safaaradda,ayaa sheegtay in ay kulamo kala duwan la yeelatay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasada oo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaahsii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shekeh Aadan iyo siyaasiyiin kale.

Warka kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Muqdisho waxuu niyad jab ku yahay Qorshihii Farmaajo uu ku doonayay in uu qabsado doorasho isaga ugaar ah.