Xulkii Kubada Cagta Ee Booliska Mudug oo la hawlgaliyay

Kooxda kubada cagta Talliska qeybta Booliska ayaa soo bandhigtay Dareeska Cusub ee kooxda taliska policeka Kaambo F.C 2021…2022

“Bilow cusub Sanad cusub ayaa uu bilowday kooxdaa faca wayn leh ee Taliska policeka Kaambo

Kooxda taliska policeka kaambo Ayaa si Wayn ugu diyaar Garoobaysa Sidii ay bandhigyo Qurux badan oo indho Qabad leh ugu soo bandhigi lahayd Taageerayaasha kooxda.

Kooxdaan Ayaa lagu yaqaanaa Inay Tartamada kubada Cagta soo bandhigto Ciyaaro Cajiib ah Sanadkaan Waxaa safafka kooxda kasoo muuqan doono Ciyaartoy Heer Caalami ah.

Waxaa xusid Mudan inuu Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Abdi shire uu door wayn ka qaatay sidii kooxda kubada Cagta Taliska Qeybta ee Kaambo ay u heli lahayd dareeska cusub ee kooxda.

Waxaana sidii kale jira balan qaad uu taliyaha uu sameeyay kooxda sidii uu utaageeri lahaa Dhamaan baahiyaha iyo qalabka isboortiga ee kooxda u baahan tahay.

Boliska Mudug.