Maantoo kale 30-sano ka hor ayay ku beegnayd cayrintii Siyaad Ee Villa Somaliya

Maantoo kale 26-Jan1991,ayaa lasoo afjaray xukunkii 21-ka sano ee kaligii Taliyihii Somalida midnimadeedii,Dowladnimadeedii,Xishoodkeedii,Aragtideedii wanaagsanayd iyo Akhlaaqdeediiba dhaawaca xun ee ay kasoo kaban la’adahay ilaa maanta dhaxalsiiyay.

Siyaad Barre waxuu gacanta ku dhigay 1969-kii Dal iyo Dad lasoo dhisay,lasoo xoreeyay isjecel horay usocda hiigsigiisu ahaa nidaam Dimuqraadiya oo Dowladnimo.

Balse waxuu ka tagay Dal iyo Dad burburay,iscunay,kala dhintay,dhaqankii iyo Akhlaaqdii wanaagsanayd laga baaba’shay oo dabka saaran.

“WALEE DAL WAA LAYGU IMAAN DADSE LAYGUMA YIMAADO” hadalkaas Siyaad waa ka dhabeeyay,waana mida keentay in aan dib layskaga waraysan Danbiyadii ay galeen isaga iyo Guulwadayaashiisii.

30-sano kadib Farmaajo oo ka mid ahaa Ardaydiisii,ayaa la yimid hogaamintii Siyaad Barre.

14-kii sano ee udanbeeyay nidaamkii ,Midnimadii,kalsoonidii iyo isku soo celintii Umadii uu kala dilay Siyaad Barre ee lasoo dhisayay,ayuu Farmaajo dib ugu celiyay meeshii Siyaad uga cararay ee 1991-dii.

Dowladnimada Somaliya ha guulaysato.

Jibril Qoobey.