Muxuu yahay qorshaha Xamar ay ujoogaan Fu’aad iyo Cawil Daad?

Cawil iyo Fu’aad waxay qaateen hal qandaraas oo caato ah,kaasoo uu soo waariday Cabdi Siciidka Farmaajo.

Qorshuhu waa in Mudug Puntland laga carqaladeeyo oo si gaar ah arimaha Ciidamada buuq loogu furo.

Isku daygoodii koobaad waa la fashiliyay oo Ciidan 500 ah oo xaroon lahaa ayay tushuush la dhexgaleen oranaya Dowlada Fadaraalkaa Lacag iyo tababar idin siinaysa ee ha xaroonina.

Qorshahooda xiga waa in Odoyaasha Mudug iyo Dowlada layska horkeeno,iyadana waa loo toog hayaa.

Cabdi Siciidka Farmaajo waxuu yaqiinsaday in uusan Puntland-ta maanta jirta Xildhibaan kasoo dhex qaadayn,waana intaas waxa uu uwado carqaladaynta ay leedahay maalgalinteeda Villa Fahad.

Cawil Daad qado maalinle ah wax ka weyn mawadaan,waana iidaadiga Puntland.

Fu’aad Abshir Adeer Nin xun mahan mana liito balse hankiisa,aragatidiisa iyo aqoontiisu ma dhaafsiisna Balibusle iyo Reer Warsame Aadan ma gaarsiisna Xildhibaan uu ku matalo reer Mudug iyo guud ahaan Pl,Garowena qurbe uguma duwana.

Fu’aad waxuu la dudsan yahay Reer Warsame Aadan sidee Wasiirkii A-da ahaa,Duqii Gaalkacyo iyo Agaasinkii Maaliyada Mudug mid ka mid ah uwada waayi karaan!!

Dowladnimada Puntland ha guulaysato.

Jibril Qoobey.