Pl iyo JL oo aqbalay in ay sii daayaan Gudiyadii Doorashada

Puntland iyo Jubaland way aqbaleen mabdi’iyan codsigii beesha caalamka ee ahaa in ay sii daayaan Gudiyada doorashada.

Balse shuruud ayay ku xireen taasoo ah in marka hore beesha caalamku ku dhawaaqdo Shirka xiliga uu dhacayo iyo goobta uu ka dhacayo.

Sida xogtu xaqiijinayso beesha caalamku way aqbashay shuruudii Pl iyo Jl,waxayna ubadan tahay maanta gelinka danbe ama beri foog in midkood ay shaacin doonaan Shirka iyo xiligiisa.

Swan waxay ubadan tahay in uu gaaro Kismaayo saakay inkastoo aan la hubin boqolkiiba boqol.

Aqbalaada Pl iyo Jl ee sii daynta Gudiyada doorashada waxay soo afjari doontaa rajadii yarayd ee Farmaajo uharsanayd.

Jibril Qoobey.