C.C.Warsame”Maanta oo ay irdihii oo idil ka soo xirmeen in uu 13 kursi bambo F1 ah u soo tuuro waa siyaasad ciyaal Faa Cali oo ah (qarshaa ii jabsan, waa banad)

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay sidii loo dooran lahaa 329 kursi oo heshiis lagu yahay dastuurkana ku dhigan.

Wuxuu maanta soo tuuray 13 kursi oo aysan caddayn cida qaybinaysa, sida loo qaybinayo iyo yaa dooranaya.

Madaxweynaha 13 kan kursi ee la soo gemay, sooma xasuusan xilligii ay socdeen shirarkii Dhuusmarreeb 1, 2, 3 iyo kii Muqdisho ee lagu gaaray heshiiskii 17ka Sept.

Maanta oo ay irdihii oo idil ka soo xirmeen in uu 13 kursi bambo F1 ah u soo tuuro waa siyaasad ciyaal Faa Cali oo ah (qarshaa ii jabsan, waa banad).

C.C.Warsame.