Faallo:-Hadii siyaasad laysku kufsado Farmaajo waa la ilhaamaystay!!

Hadii siyaasad laysku kufsado Farmaajo caawa waa la ilhaamaystay.

Haduu wax kala garanayana meeshii Cabdullaahi Yuusuf iska casilay ee uu diiday in uu qaato ayay maraysaa!!!.

1.Madaxweynihii Dalka isagoo ah oo taagan,ayaa inta layska hor leexiyay masiirkii Umada la jiheeyay.

2.Doorashadii uu qorshaystay inta laga hor yimid,ayaa hadana mid kale lagu dul sameeyay..

3.Gudiyadii uu dhistay ee doorashada waxaa laga soo qaaday waxba kama jiraan.

4.Waxuu ku dhici waayay in uu hal Maamul Goboleed ka bilaabo doorasho.

5.Shir baa lagu dul abaabulay uusan ku lahayn wax door ah.

6.Hogaaminta Dalka ee xiliga doorashada awood Musharax,ayuu ku yeeshay.

7.Mudo kororsigii waa ku dhici waayay.

Xaqiiqdii Puntland iyo Jubaland kubad siyaasadeed qurux badan oo qaan gaar ah,ayay ciyaareen oo kaga adkaadeen Farmaajo.

Hogaaminta Dalka Pl iyo Jl,ayaa qaatay si buuxda.

Jibril Qoobey.