Maraykanka oo fariin dadban udiray Farmaajo

Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay barteeda twitter-ka ayey ugu baaqday madaxda Soomaalida inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso in dalka doorasho ay ka dhacdo, waxayna diiday doorasho hal dhinac ah iyo doorashooyi is-barbar socda.

“Waxaan ugu baaqeynaa Farmaajo, Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso inay dalka ka dhacdo doorasho nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay u qalmaan. Maya doorasho hal dhinac ah ama doorashooyin is-barbar socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Fariintan si gaar ah waxay ugu socotay Farmaajo oo hada ah kan xalka diidan welina isku dayaya in uu wax khiyaamo kana shaqaynaya doorasho hal dhonac ah.