UNSOM oo soo Dhaweysan Guddiyada Doorashada M. Goboleedyada

War-saxaafadeed ka soo baxay Hawgalka Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOM) oo ay ku saxeexnaayeen dalal iyo hay’ado dhowr ah ayaa lagu soo dhaweeyey magacaabista Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo la soo gudbiyey 27kii bishan Janaayo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay gacan ka geysan karto hirgelinta heshiiskii 17kii September ee ka hadlayey hanaanka doorashada.

War-saxaafadeedka UNSOM ayaa lagu sheegay in saaxiibada Somalia ay taagersan yihiin kulan dhex mara madaxda Dawladda Federlka iyo kuwa dawlad goboleedyada xubnaha ka ah, si ay u dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo xilligeedii ku qabsoonta.

War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in saaxiibada Somalia ay ka digayaan doorashooyin is bar-bar socda oo aan loo dhameyn. War-saxaafadeedka waxaa kale oo lagu xusay in la hubiyo in doorashooyinku ay si nabad ah ku dhacaan, la damaanad qaado qoondadii haweenka ee ahayd 30%, lana ilaaliyo xorriyadda warbaahinta iyo bedka ay siyaasiyiintu ku dhaqdhaqaai karaan.