Video:-Halkee marayaa furitaanka Kastamka Tuurdibi ee Gobolka Mudug?

Kastamka Tuurdibi Dowlad Deegaanku waa amray,waxaana hada heegan ku ah Ciidankii sida gaarka ah uga haelgeli lahaa.

Madaxweyne Mustafe waxuu bixiyay amarkii Easiirada Deegaanku si rasmi ah ugu furi lahaaueen Kastamka.

Masuuliyiinta Shirkada Wadaagsin ee Jigjiga ku sugan waxay si gaar ah ula kulmayaan oo ugu yeeray Madaxweyne Mustafe.

Dowlad Deegaanka waxaa laga rabaa dhankooda in ay Kastamka furaan Wadada Laamiga ahna soo gaarsiiyaan.

Dhanka Puntland waxii laga rabay way buuxiyeen,marka laga reebo Wadada xiriirisa Tuurdubi iyo Garacad oo Laami laga dhigayo.

Wadadaas oo dhererkeedu gaarayo 300-Km,qiimayn ay samaysay Shirkada Wadaagsin waxaa ku baxaya dhaqaale gaaraya 80$-Milyan,iyadoo la bilaabayo Sanadka danbe 2022 hadii eebe idmo.

Dhawaan Dekeda iyo Kastamku waa isla hawlgalayaan si Deegaanka Somalidu uga faa’idaysto Dekedan muhiimka ah ee Garacad.

Jibril Qoobey.