W.Arimaha dibada Somaliya oo laga soo cayriyay Adis-ababa

Sida hadda iga soo gaartay Addis Ababa, waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Mudane Maxamed Cabdirisaak uu kula kulmay Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa dhiggiisa Ethiopia,

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia & Wasiir Mohamed ka wada hadleen, iyadoo ay Somaliya ka dacwoonayso Go’aankii Guddiga Xaqiiqa Raadinta IGAD ee arrimaha Somaliya & Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia wuxuu Dhiggiisa Somaliya ku qanciyay In arrinta IGAD ay u taallo Madaxwaynayaasha IGAD ee aysan ahayn arrin Wasaaradeed.