Ugu danbayn Farmaajo aqbalay Shirkii Pl iyo Jl ay ku baaqeen

Ugu danbayn Farmaajo waa aqbalay Shirkii Puntland iyo Jubaland ay ku baaqeen beesha caalamkuna taageertay.

Waxa kaliya ee uu badalay waa Taariikhda oo uu ka dhigay 1-da bisha in uu bilowdo.

Kulankii maanta ee beesha caalamku la qaadatay Farmaajo waxuu ahaa mid adag oo runta layskugu sheegay kuna soo idlaaday natiijo la’aan.

Balse Saacad kadib Farmaajo waxuu lasoo xiriiray Swan waxuuna usheegay in uu aqbalay soo jeedintii beesha caalamka kuna dhawaaqayo aqbalaada Shirka.

Jibril Qoobey.