Beelaha Saleebaan iyo Cayr oo ku dagaalamay duleedka Dhuusamareeb

Beelaha Cayr iyo Saleebaan,ayaa ku dagaalamaya Deegaanka Xananbuura oo 45-KM ujira Dhuusamareeb.

7-dhimasho ah iyo 12-Dhaawaca,ayaa la xaqiijinayaa in uu gaarayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkaas.

Ilaa iyo hada Maamulka Galmudug kama hadlin dagaalka.

Beri oo Isniin ah waxaa qorshaysan in Shirka looga xaajoonayo ismari waaga doorashooyinka lagu qabto Dhuusamareeb.

Jibril Qoobey.