MADAXWEYNE AXMED OO QAABILAY WAFTI HEER SARE AH OO KA SOCDAY QARAMADA MIDOOBAY

MADAXWEYNAHA OO QAABILAY WAFDI HEER SARE AH OO KA SOCDAY QARAMADA MIDOOBAY

Kismaayo, 31, Jan, 2021-Madaxweynaha Dowlada Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO.

Kulanka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka 1aad mudane Maxamuud Sayyid Aaden iyo qaar kamid ah Golaha Xukuumada sida Wasaarada arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Kalluumeysiga iyo Beeraha ayaa looga wada hadley Xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo, Amniga iyo taageerada Qaramada midoobey siiso Jubaland gaar ahaan Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan deegaanada Jubaland Hay’adaha Qaramada midoobey.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa Ergayga qaramada midoobey uga mahad Celiyay booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

“ Dowlada Jubaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay. Waxaana uga mahadcelinayaa Beesha caalamka doorkooda muuqda ee ay arrintan kaga jiraan iyo ka go’naanshaha in Doorasho dalka ka dhacdo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey mudane James Swan ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyey soo dhaweynta iyo qaabilaada heerkeedu sarreeyo ee ay kala kulmeen Jubaland asaga iyo wafdigiisa ku wehelinaya booqashada ay maanta ku yimaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Jubaland.

“Waxaan bogaadinayaa markale talaabada wax ku oolka ahayd ee albaabka u furtey xaaladii cakirneyd ee dalku ku jirey ee ay qaadeen Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland taas oo ay 28dii bishan kusoo magacaabeen gudiyadii doorashada ee heer Dowlad goboleed iyo baaqoodii ahaa in ay Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyadu shir isugu imaadaan taas oo dhashey in Madaxweynaha JFS uu shalay shir isugu yeero Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo aan ka fileyno inay kasoo bixi doonaan qodobo ka turjumaya sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhanyahay iyo isu tanaasul madaxda dhexdooda ah dalkana loogu turayo”.

Dhanka kale Wasiirada Jubaland ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey hay’adaha qaramada midoobey ee kala ah UNHCR, WFP, FOA iyo WHO kuwaas ay ka wada hadleen Mashaariicda hormarineed ee ay deegaanada Jubaland ka fuliyaan iyo taageerada ay siiyaan waaxaha Beeraha, Kalluumeysiga, Qoxootiga iyo Caafimaadka oo hormar badan laga sameeyey muddooyinkii ugu danbeeyey.

Ugu danbayn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahad celiyay Hay’adaha sidookalena ku dhiiri galinayay wasaaradaha inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo fulinta qorshaha horumarineed ee Jubaland. Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’ada WFP oo fududeysey Maraakiibtii 30 sano ka hor ku burburtey dekeda taas oo caqabad ku heysay shaqada dekeda gaar ahaan qeybta ay maraakiibtu ku soo xirtaan taas oo ah hadda si caadiga ah loogu shaqo bilaabey.

                           DHAMMAAAAD.