Shaki weyn oo laga qabo cida fududaysay Weerarka Hotel Afrik

Waxaan aad loo hadal hayaa in arintii maanta dhacday hay’adaha amnigu fududeeyeen,taasoo la rabay in rag badan oo saraakiil ah lagu laayo.

Sidoo kale in lagu qariyo saamaynta shirarka maanta Muqdisho ka socday ee bilowday shalay xalay ilaa maanta.

Rag tuutaysan oo wata Qoryo PKM in ay km4 harcad soo maraan wax sahlan maahan.

Hotel Afrik-ga la weerayay waa Hotelka kaliya ee ay ku kulmi jireen mucaaradka qaarkoodna Xafiisyo ku lahaayeen fadhiisina u ahaa,gaar musharaxiinta beelaha Habargidir iyo Murursade.

Hotelka la weeraray waxaa caawa uga bilaaban lahaa xubno katirsan Madasha.

horay ujirtay in Maamulka Hotelka loo keenay Warqad digniin ah oo ka timid Nabadsugida,taasoo looga digay Shir ka dhacayay markaas.

Waxaa horay ujirtay in Maamulka Hotelka loo keenay Warqad digniin ah oo ka socotay Nabadsugida,taadoo ku aadanayd Shir ka dhacayay.

Maamulka Hotelka.ayaa iska diiday Warqadaas Keensadayna Ciidamo gaar ah oo la wareegay amaanka ilaa Wadada km4.

Jibril Qoobey.