Faallo:-Shirka Dhuusamareeb Ma rajo fiicnna!!!

Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil ayaa odoros aad u wanaagsan iyo sawir la socda ka bixiyey shirka ka socda Dhuusamareb. Qoraalkii iyo sawirkii Xaajiga hoos ayaan ku soo lifaaqay.

==================//
Qoraa: Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil

Shirka Dhuusamareeb
Ma rajo fiicnna:

1. Qaabka loo bahdilay Gud. Abdi Hashi waa arrin foolxun ah, sababtoo ah Guddoomiye Aqalka Sare ayaa loo diiday inuu u safro degmo Dalka ka mid ah.

2. Waxa suuragal ah in kooxda Abdi Hashi ay diidaan ka qaybgalka Doorashada.

3. Haddii ay diiddo hal qolo, Doorasho dhicikartaa ma jirto.

  1. Waa la iska oran kara , Cidnna loo majoojinaayo tareenka”, Lkn taasi waa beenoowday.

*5. *Arrinta Gedo:*
Farmaajo wuxuu doonayaa arrintaas inuu ku bedesho:
*1 ilaa 2 sano in xilka loogu daro. Ahmed Madoobe wuxuu orandoonaa *”Kuma aaminayo”*, *marar badan ayaad balamo iiga baxday.*

  1. *Farmaajo wuxuu doonayaa inuu iska horkeeno Deni/Madobe iyo Hawiye, Arrinta 13ka xildhibaan ee Benadir. Wuxuu doonayaa inuu ka dhigo cidda diidan Maqaamka iyo Xildhibaanada Benadir in ay yihiin kooxda *Kablalax.* Jug jug meeshaada joog…!

7. Farmaajo wuxuu ogol yahay oo keliya in lagala gorgortamo guddiga doorashada.

Gunaanad:

1. Haddii Farmaajo helo in waqti loo kordhiyo:
Deni iyo Madoobe waxay maridoonaan dariiqii..G……L..!!
Ama dariiqii Shariif Hassan, Xaaf iyo Waare..!

2. Haddii Farmaajo ku soo Fashilmo Dhuusamareeb:

A) Farmaajo wuxuu maridoonaa dariiqii
adeerkii Mohamed Siyaad ( haddii uu kursiga isku sii dhajiyo)..

B) Haddii uu xaqiiqda fahmo, si geesinnimo ah, ayuu u maridoonaa dariiqii adeerkii Abdullahi Yussuf..!!

War jiraaba cakaaruu imaan.
Stay tuned..!!

Alloow Tawfiiqda na waafaji..Amiin