Maxaan ka baranay Farmaajo taariikhdiisii??

Maxaan ka baranay Farmaajo taariikhdiisii??

  1. Waqti 4 sano ah ayaan fursad u hellay lagu barto shakhsiyadda Farmaajo..
  2. Waxaan soo barannay markuu ahaa Raisal Wasaare. Balantii uu ku soo galay Kampala ayuu kabaxay markuu cagta soo dhigtay Muqdishu, ilaa lagu khasbay istiqaalo inuu bixiyo.
  3. Waxaanu soo barannay inuu balan waliba ka baxay heshiisyaddii Dhusamareeb 1,2,3 iyo Muqdishu.
  4. Waxaanu ku barannay in balamada shakhsiga uu ka baxo.
  5. Waxaan aaminsannahay haddii 24 saac loogu daro inuu isku dayidoono wax dhafoorada laga qabsado.
  6. Haddii maalin lagu darro, waxa sharci noqonaya Barlamaanka waqtigiisa dhammaday.
  7. Haddii Barlaamanka waqtigiisa dhammaaday maalin loogu darro waxaan aaminsannahay in ay ku darsanayaan 2 ama 3 sano oo jeebkooda ah.
  8. Waxaan ka maqli jiray Hawiyaha oo yiraahda: Daarood maalin ayaa la iska qaban karay..Maalinta oo keligii ahaa.
    Maanta waxaan leeyahay oo fadlan iga qortaan:

Farmaajo maanta ayaa la qaban oo waqtigiisa dhammaaday. Haddii loo Cimri dheereeyo, fadlan Baroordiiqa iyo Calaalka hala joojiyo.. Period.

Alloow Tawfiiqda nawaafaji..Amiin