Shirkii Dhusamareeb Afar oo galay maalintii Afraad!!

Shirka Dhusamareeb 4 oo galay maalintii Afraad:

Gedo”

Guddigii loo xilsaaray arrimaha Gedo,ayaa soo jeediyey in la qabto dib-u-heshiisiin bilaabata 10 Febraayo oo muddo 30 maalmood ah colaadda lagu soo afjaro.

Puntland in ay hormuud ka noqoto nabadeynta iyo Dhex dhexaadinta Dadka walaalaha ah ee ku nool Gobolkaas.

Kaddibna Madaxweyne Ahmed Madoobe soo magacaabo Maamulkii heer Gobol iyo heer Degmo asagoo tixgelinaya heshiiska Nabadda.

Ahmed Madobe ayaa aqbalay codsiga Guddiga.

Dhinac kale, Madaxweyne Farmaajo,ayaa aaminsan in ciidanka XDS ee jooga Gedo ay ku filan yihiin Amniga guud ee Gobolka.

Halka Doorashada ay wadajir u qabanayaan Guddiga Doorashooyinka iyo Booliiska AMISOM.

Arrimaha nabadeynta uu bilaabi doono markii dib loo soo doorto asaga.

Haddaba, qoddobkaas ayaa dood weyn ka jirtaa sidii xal waara looga gaari lahaa.

Arrimaha SL:

Waxaa lagu heshiiyey in loo kala qeybiyo xubnaha Guddiga maadaama ay ku heshiin waayeen.

Madasha way maqan yihiin beelaha reer Waqooyigu.

Guddiga Doorashada”

Waxaa la isla qaatay in dhamaan la beddelo cid kasta oo shaqaale dowladeed ah, ciidan ah iyo kuwo lagu eedeeyey in aysan noqon karin dhex dhexaad.

13 Senator Muqdisho”

Arrintaas waxaa loo arkay in aysan ahayn suurto gal. Madaxweyne Farmaajo waxay u muuqataa inuu ku dhiiran waayey in gogosha la keeno. Sidoo kale, Gudoomiye Cumar Filish iyo Md Guudlaawe kama hadlin kuraasta lagu muransanyahay ee Gobolka Banaadir.

Wakhtiga Doorashada:

Wakhtiga Doorashooyinka ayaa waxaa ka taagan muran weyn..

Jibril Qoobey.