Waa sidee Saakay iyo Xaalka Dhuusamareeb??

Saakay waa 5-tii bisha Maalinkii uu Farmaajo sheegay in uu Baarlamaanka hor tagayo,balse suuroobi wayday.

Xalay Dhuusamareeb waxay ku hoyatay Daryanka Madaafiicda iyo Rasaasta.

Dhamaan waxii ilaa Doraad laga wada hadlayay waa fashilmeen saakay.

Arintii Gedo Farmaajo waxuu ka fuqi la’a yahay Gobolada kale Doorashada haka bilaabato Gedo dib haloo dhigo,waxuuna marmarsiiyo ka dhiganayaa dib uheshiisiin.

Arintii Gobolada Waqooyi Cabdixaashi iyo Mahdi Guuleed waa heshiin waayeen oo waa kusoo kala kaceen.

Arintii Gudiyada ilaa iyo hada lama kala dirin.

Mudo xileedkii Madaxweynaha 2-maalmood,ayaa ka haray.

Beesha caalamku waxay si cad ugu sheegtay in uusan soo tagi karin isagoon xal la gaarin Madaxda kale.

Xaalku waa alow Sahal.