Dood Qaanuun oo bilaabatay 8-da Febraayo kadib

8-da Febraayo hala gaaro ma ahayn Jeegadaa Farmaajo lasoo qabanayaa!!

Ujeedku waxuu ahaa in mudo xileedka Sharciga ah uu kaga eg yahay Farmaajo xiligaas.

7-waxyaabood oo uu dheeraa Madaxda kale,ayuu lumiyay xalay saq dhexe Farmaajo.

Maanta waxii ka danbeeya waa Madaxweynihii hore oo ah suge xil wareejin.

Ma noqon karo Dowlad sii shaqaysa inta mid badasha la helayo,sababtoo ah Somali iskuma waafaqin in uu sii ahaado mudo xileedkiisa Dastuuriga ah kadib.

Xasan Sh.Somali wada socota,ayaa kasii dhigatay sii haye mudo Afar bilood iyo bar ah.

Dood Qaanuun,ayaa hada bilaabatay,taasoo oranaysa…

1.Yaa Shirka Beesha Caalamku soo wado iskugu yeeraya Madaxda kale??

2.Yaa Shir Gudoominaya?

3.Farmaajo maqaamkee kusoo fariisanayaa?

Doodahaas waa kuwa lawada sugayay ee loo lahaa 8-da Febraayo hala gaaro.

Somali way ka gudubtay fawdo iyo nidaam burburin in ay wax ku raadiso.

Farmaajo waxaa looga adag yahay oo maanta lagu dilayaa Qaanuunka Dalka.

Dallkuna Doorasho Farmaajo uu ku leeyahay saamayn hoose,ayuu galayaa ugu danbayn.

Guul siyaasadeed waxaa ah in lasoo gaarsiiyay Farmaajo 8-da Feb,isagoon mudo ku darsan,doorasho uu wato dhaqaajin heshiisna la galin Somalida kale.

Jibril Qoobey.