Musharaxiinta oo ku dhawaaqay in uusan Farmaajo ahayn Madaxweynaha Somaliya maanta waxii ka danbeeya

Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 8 Ferbaayo 2021 Golaha Midowga Murashaxiinta uma aqoonsana Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo in uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu Dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay in uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.