Golaha Amaanka oo maanta kulan xasaasiya ka yeelanaya Soomaaliya

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan ka yeesho xasaradda siyaasadeed ee Soomaaliya, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka AFP oo soo xigatay ilo wareedyo diblomaasiyadeed.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen “in madaxweynaha uu si sharci darro ah xilka ku hayo”.

Shir ay albaabbada u xiran yihiin oo ay Golaha Amaanka maanta ka yeelanayaan arrinta Soomaaliya waxaa codsaday dowladda Britain oo bishan hoggaamineysa Golaha, sida ay ilo wareedyadu sheegeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isniintii wajahay xasarad dhinaca hoggaanka ah kaddib markii uu ka dhammaaday waqtigii xilka loogu talo galay.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa sheegay in aysan dowladda aqoonsaneyn wixii ka dambeeyay 8-da bisha February.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, oo shir jaraa;id qabtay ayaa yidhi: “Wali waxaa jirta fursad ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya isugu imaan karaan wadahadal, si ay u helaan xal ku aaddan khilaafka taagan iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen.”

BBC News Somali