Muxuu qabaa Dastuurku mudo xileedka dhamaaday Ee Madaxweynaha iyo Golayaasha kale??

Sida ku cad dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Dowladda Federaalka (qodobadiisa 61 iyo 91aad) , muddo xileedka golaha fulinta iyo sharci dejintu waa muddo 4-sano ah oo kaliya.

Haatan waxaa soo idlaaday muddo xileedka Madaxwaynaha Fadaraalka.

Sidoo kale waxaa ka horeeyay mudo xileedkii Baarlamaanka Fadaraalka.

Haddaba waxaa horay u jiray qoraal uu ansixiyay Golaha Baarlamaanka,kaasoo sheegayaa in Golayaasha Dowladdu noqonayaan kuwa xilka sii haya inta Golayaal bedela laga helayo.

Markaan indha indheeyay dastuurka KMG iyo doodaha sharciyaqaanada ee arrintaan ku saabsan ,waxaa isoo baxday…

1.Baarlamanku masoo saari karo Xeer khilaafsan qodob Dastuuri ah,oo dastuurka ayaa ka sareeya shuruucda Baarlamanka ee khilaafsan, sidaasna xeer kasta oo baarlamanku soo saaro oo khilaafsan Dastuurka waa mid aan wax ka jirin , oo sida kala sarraynta sharuucda (hierarchy of law ) ku cad dastuurka laguma laali karo xeer farac ah.

2- Madaxwayne Farmaajo isaga oo ogsoon diciifnimada dooda ku xusan xeerka Baarlamanka waxa uu maalin ka hor isku dayay inuu Baarlamanka ka dhameeyo muddo kororsi , balse waxaa arrintaas diiday oo fashiliyay Beesha caalamka oo ka baqday in xaalku ka daro , wadahadal iyo dib isugu celinta madaxda Soomaalidana suuragal noqon waydo.

3- Baarlamaanka Fadaraalku waxa uu awood u lahaa waxay ahayd in ay sidii 2017 uu soo jeediyay Jawaari wax lag bedelo Dastuurka marka hore oo qodobada 4 sano ku xadididaya mudada xilhaynta golayaasha dowladda la bedelo , taasi sharciyan qiil waa loo raadin kari lahaa oo marka loo maro habraaca ku xusan Dastuurka ee wax ka bedelka Dastuurka waa wax caadi ah in Dastuurka wax ka badel loogu sameeyo si waafaqsan habraaca ku xusan.

4-Madaxweynaha wakhtigu ka dhamaaday ee Farmaajo waxa uu wareegto kusoo saaray in shaqadii dib u eegista dastuurka la joojiyay oo Dowladda danbe ee imaan doonta dhamaystiri doonto. Tani waxay ahayd tallaabo dadban oo MW-hu ku cadeeyay in uusan jirin Baarlamaan sharci ah oo jira mar haddii muddo xileedkiisa dhamaaday , walaw uu haddana hadda dib ugu yeeeray Baarlamankii oo leeyahay ii kordhiya .

5- H a yiraahdo Golayaasha Dowladda ha noqdaan kuwa sii jooga sidii dhici jirtay xilliyadii hore inta doorasho laga qabanayo , waa inay noqotaa mid heshiis ku timaada iyo wada ogol sidii dhici jirtay , iyada oo xukuumadda iyo Baarlamanku yihiin kuwa howlaha caadiga uun wadi kara ee aan hawlo cusub unki karin ama heshiisyo geli karin, Balse waxaa laa yaab leh in Golaha shacabka oo xilkiisu dhamaaday uu wali ansixinayo xeerar oo aanu wax dan ah ka lahayn sharciyad iyo qaanuun degsan,waxaa la ogsoonyahay in xukuumaddii sii waday hawsha ka hor magacaabistii Rooble ay ansixisay Guddiga Adeega Garsoorka si sharci daro ah , sidaasna aqalka sare ku diiday inuu ansixiyo , waxaana haatan Golaha shacabka horyaal xeerar ay ka doodayaan , waana kuwa isha lagu hayo oo aan sharciyad lahayn maadaama gole waqtigiisa dhamaaday uu ansixiyay.

Jibril Qoobey.