Maraykanka oo si dadban ugu digay Farmaajo

Kulankii shalay Aadan-cade ee Farmaajo iyo Beesha caalamka weli waxuu ku maqan yahay “Waa soo tashanayaa”.

Beesha caalamka waxay si cad ugu gudbisay in Shirka Muqdisho lagu qabto,ilaa shalayna waxaa laga sugayay in uu soo saaro warqada Shirka in Muqdisho lagu qabanayo.

Fariintan Maraykanka iyo Sxb-ada kale ee Caalamku cida ay toos ugu ocoto waa Farmaajo.

Farmaajo waxuu rabaa in uu khiyaano sameeyo oo waxuu leeyahay marka hore Gudiyada Farsamadu ha iskugu yimaadaan Baydhabo, markii Gudiyadu tagaan Baydhabo maalin kadib in uu ka daba tago,kadibna yiraahdo Shirku halkan,ayuu ka dhacayaa ee halays kugu yimaado,taasoo hada umuuqata in lala fahmay.

Jibril Qoobey.