Muxuu soo kordhin karaa isbahaysiga Milatari Ee Abiy,Afawerke iyo Farmaajo!!

Isbahaysi Milatari oo aan wadan aragti furan waa riyo maalmeed aan macno lahayn.

Sadexdan Nin waa Dikteetaro mana laha qorshe horumarineed oo ay ku hogaamiyaan Dadkooda kuna soo saari karaan haldoor Umadeed oo Geeska Afrika ah.

Dadka Sadexda wadan ee Somaliya,Itoobiya iyo Eretereya Viso la’aan iskuma dhoofi karaan si furan oo Sharciyana uguma wada shaqaysan karaan Dalalkooda.

Abiy waxuu ku guuladaraystay in uu doorasho ku qabto xiligii loogu talagalay mudo kororsi uu samaystayna waxaa ku naf waayay in ka badan Nus Milyan Qof,waxaa ku barakacay 4-Milyan,kufsi iyo tacadiyo kale oo fara badan,ayaa ka dhashay,waxaana burburay dhaqaalihii iyo midnimadii dalkaas.

Asiyas 30-sano,ayuu hor taagan yahay Etetereya oo uusan qaban hal maalin oo xataa doorasho Xaafadeed ah,Dadka Dalkaasi boqolkiiba Boqol waa shaqo la’aan fakhri ah mana haystaan adeeg Bulsho,xoriyad, loomana ogola in ay safraan,waxayna Ciidamadiisu qayb weyn ka qaateen xasuuqa Tigraay.

Farmaajo 4-sano oo uu hogaaminayay Somaliya kuma guulaysan Hal mid oo ka mid ah 6-dii Qodob ee loo doortay,waxuuna ku guuladaraystay in uu doorasho Qof iyo cod ah qabto ama xataa midii lagu doortay oo kale.maantana dalku waxuu qarka usaaran yahay in uu dib ugu laabto colaad sokeeye.

Isbahaysiga Milateri ee Asiyas,Abiy iyo Farmaajo mira dhalkiisii ugu horeeyay waxa laga daalacan karaa Gobolka Tigreega ee Itoobiya.

Jibril Qoobey.