Siyaasiyiinta reer Puntland iyo Sirdoonka maxaa kala haysta?

Siyaasiyiinta reer Puntland mid xil haya iyo mid u ordayaba majiraan mid fahansan waxtarka Sirdoonka iyo saamayntiisa!!

Fikrad iyo qorshe kama laha Sirdoonka in ay wax xukumaana way rabaan!!

Madaxweyne Deni dhismaha Ciidanka ee uu ku guulaystay ugumaba jirto qaybta Wardoonka ilaahay amarkii.

Sirdoonku wax badan,ayuu xakamayn lahaa oo rag aan ogahay maba hadleen markii xogohoda loo diro!!

Sirdoonku markay ugu yar tahay baqdin iyo is ilaalin buu abuuri lahaa,waana waxa Dunida 3-aad lagu xukumo.

Puntland ahaan dagaalka siyaasadeed,midka amni iyo mid horumarineed ee aan ku jirno iyo sida aan uga hurudno Wardoonka ismaba qaadan karaan!!

7-beri ee ugu danbaysay waxaan la wadaagay xogo amni oo muhiim ah labada Talye ee Bari iyo Mudug maahee wax ka jawaabi kara oo kale maba jiraan!!!

Jibril Qoobey.