Wararkii ugu danbeeyay Ee Shirka Doorashada iyo Farmaajo

Illaa caawa Haddii la heli waayo war cad oo ah isu imaanshiyaha Dowlada Federaalka Somaliya iyo Dowlada xubnaha ka ah waxaa isku keenista iyo iclaaminta shirka Qaadan Doona Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey.

Haddii Xafiiska Siyaasada Qaramada uu shirka looga hadlaayo Doorashada Somaliya iclaamiyo macnaheeda waxay noqoneysaa Saamileyda Siyaasadda in ⅞⁶p⅚ay shirka Qeyb ka Noqon doonaan Sida ay Dowladda Puntland iyo Jubaland horey u sheegeen.

Waxaa ilaa Caawa saq Dhexe war laga Sugaayaa Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadey Mohamed Abdullahi Farmaajo warkaasoo ah inuu iclaamiyo shirka Dowladaha xubnaha ka ah iyo Dowlada Federaalka somaliya iyo Goobta uu ka dhacayo .

Dowlada Puntland ayaa horey u Soo jeedisay in uu shirka ka dhoco magaalada Muqdisho ayna Qeyb ka noqdaan Saamileyda Siyaasadda Somaliya iyo Beesha Caalamka.