Gudiyadii Farsamada oo Maanta Baydhabo gaaraya

Gudiyada Farsamada ee hordhaca u ah Shirka waxay tagayaan goor dhow Baydhabo oo ay kusoo shaqayn doonaan maanta iyo beri hadii rabi idmo.

Puntland iyo Jubaland waxaa ku matalaya masuuliyiin culculus Dhabancad iyo Gaani.

Si gaar ah Dhabancad Gudigan waxuu ka dhex yahay Xidig markii la qiimeeyo aqoontiisa,khibradiisa iyo shaqo aqoontiisa.

Markaad xog raadis waxa ugu horeeya oo qof walba kuu sheegayo oo Xamar jooga waa in Puntland ay soo dirsaday wafti culus oo hormuud ah.

Gudigan waxay soo diyaarin doonaan arimaha ay isla fahmaan iyo waxaysan isla fahminba mana laha iyagu gudoonka ugu danbeeya.

Jibril Qoobey.