La taliyihii Farmaajo oo laga saaray Shirka Gudiyada Ee Baydhabo

Cabdi Cali Raage oo ah La Taliyaha Farmaajo oo gelinkii hore ee maanta ka soo muuqday kulankii Guddiga Farsamada ee Baydhabo ka furmay,ayaa caawa laga saaray shirkii Xubnaha Guddiga Farsamada.

Puntland iyo Jubaland,ayaa ku adkaystay in laga saaro Shirka Cabdi Cali Raage,maadaama uusan ka mid ahayn Xubnihii magacawnaa ee laysla ogaa.

Shirka Gudiyada Farsamada waxaa la filayaa beri in uu soo gabagaboobo.

Jibril Qoobey.