DEG-DEG: Puntland iyo Jubbaland oo diiday shaacinta heshiiska Shirka Baydhabo

Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ah saldhiga Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa dooneysay in berri qoraal ka soo baxo Baydhabo si uu mudaharaadku u macno beelo,balse way diideen Puntland iyo Jubaland mana jirayo wax la shaacinayo.

Shirka Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee qabsoomi doona,ayaana toos loo hor dhigi doona heshiiska ay soo diyaariyeen Gudiyada farsamada si ay uga wada xaajoodaan.

Waxa kaliya oo la sheegayaa in Qodobadii Farsamada la isku raacay ayna ansixin doonaan Odayaasha…

Gedo:

  1. Magacaabista Guddiga dib u heshiisiinta
  2. Xabbad joojin
  3. Gogol nabadeed
  4. Magacaabista Maamulka JL ee Gobolka Gedo oo la wadaagayo
  5. Guddiga Doorashada JL oo taga Garbahaarey
  6. Haddii Guddiga iyo Maamulk a cusub u arkaan in aan Doorashada lagu qaban karin Garbahaarey. 16ka kursi waxaa lagu celin Magaalada Kismayo

SL:

  1. In loo kala qeybiyo 50/50
  2. In la wadaago Guddiyada iyo Maamulka si siman

Jibril Qoobey.