Maxaa ka jira inuu is-casilay Agaasimihii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ?

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Faysal Cabdullaahi Warsame, ayaa ka hadlay War-been abuur ah oo lagu baahiyey baraha Bulshada, kuwaas oo sheegayay in Agaasimuhu is-casilay.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah, uuna Agaasimuhu ku maqan yahay arrimo Caafimaad.