VIDEO: DFS oo ka hadashay 30 Ruux oo la sheegay inay u geeryoodeen COVID-19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Cudurka uu soo laba kacleeyay, isla markaana Isbitaalka Martiini la kenay dad badan oo uu haayo Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Wasiir Fowsiyo ayaa sheegtay in Isniintii ilaa maanta ay Isbitaalka Martiine tageen 16 ruux, mid kamid ah la geeyay qeybta daryeelka degdegga ah ee ICU-da, 9 Ruux la jiifiyay, halka lix Ruux ay dib ugu laabteen Guryahooda, kadib markii talooyin la siiyay.

Wasiirka ayaa intaasi ku dartay in shalay ilaa Maanta ay Cudurka u geeriyoodeen ilaa 5 ruux, waxaana ay beenisay in xalay isbitaalka Martiini ku geeriyoodeen 30 ruux.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in Galab walba warbixinada la xiriira Cudurka COVID-19 ay Wasaaradda Bulshada u soo gudbin doonto, isla markaana dadka aysan aaminin warar ka lagu faafinayo Baraha Bulshada.