VIDEO: Karaash oo daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Sambabka xoolaha

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Sambabka xoolaha, oo laga tallaalayo Xoolaha Puntland.

Tallaalka oo ay horgelinayso Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland, ayaa la gaarsiinaya 5 Milyan oo Neef Iyadoo ay ka faa’ideysan doonaan 75,000 oo qoys oo ka mid xoola dhaqatada Puntland wuxuuna socon doonaa muddo labo bilood ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyay hirgelinta tallaalka, waxaana uu kula dardaarmay in masuuliyiinta Wasaaradda iyo shaqaalaha caafimaadka ee fulinaya tallaalka ay masuuluyad gaar ah iska saaraan arrintan madaama caafimaadka xooluhu ay muhiimad gaar ah inoo wada leeyihiin.