VIDEO: Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka guddiyada farsamo ee Baydhaba

Guddiga Farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maalintii labaad leh Shir adag ayey suuragal tahay in maanta ay ku dhawaaqaan go’aan ku saabsan arrimaha doorashada Soomaaliya, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka, ahna Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in maalintii 1-aad horumar laga gaaray shirka Guddiyada uga socda baydhabo, kaas oo xalay xilli dambe soo gaaray.

Shirka ayaa xalay hakad ku yimid kaddib markii Qaar kamid ah xubnaha Dowlad Gobaleedyada ay codsadeen in laga saaro Shirka Cabdi Cali Raage oo ah La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka oo gelinkii hore ee Isniintii kasoo muuqday Kulankii Guddiga Farsamada, iyadoo markii dambe laga saaray Shirka.

Wasiirka dastuurka ahna guddoomiyaha guddiga farsamada shirkan ayaa rajo weyn ka muujiyay in shirkan uu ku soo dhamaado is afgarad wanaagsan oo laga gaaro dhamaystirka qodobadii la isku haayay ee shirarkii magaalada Dhuusamareeb.