Beesha Caalamka oo ka hadashay Shirkii Baydhabo ee Guddiga farsamada

Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen guddiga farsmo ee hore loogu xilsaaray shirka ay dhawaan yeelan doonaan Madaxda Dowladda federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay beesha caalamka;

Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.

Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh.