C/kariim Guuleed “Lama aqbali karo in Dowladdu diido banaan-baxa Shacabka” (VIDEO)

Musharax Madaxweyne Abdikarim Hussein Guled oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho kaddib safar dibedda ah oo uu ka yimid ayaa ka hadlay Banaan-baxa la qorsheynayo inay jimcaha ka dhacaan Muqdisho, kaas oo ay ku baaqeen midowga Musharixiinta.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aan marna la aqbali karin in Dowladda ay iyadu mudaharaad sameyso , shacabka Soomaaliyeedna ay u diido.